Biden iyo Trump oo mar kale kalareebta ku ballansan

Madaxweynaha Joe Biden iyo Donald Trump ayaa labaduba u soo wada gudbey tartanka kama dambeysta ah ee doorashada madaxweyneha Mareyka oo lagu wado in ay dlkaas ka qabsoonto bisha Nofember ee nagu soo aadden.

Afar dowlad goboleed iyo hal maxmiyad iyo taageereyaasha xisbiga Dimuqraadiga ee qurbaha ku nool ayaa Talaadadii codeeyey.

Natiijadan ayaa ka dhigan in codbixiyeyaasha Mareykanku mar kale ku soo noqon doonaan miiska codbixinta, si ay u kala doortaan labadan musharrax sidii ay sameeyeen 2020. .

Magacaabista ayaa si rasmi ah loogu sooo bandhigi doonaa munaasibado xisbiyadu sameystaan xagaaga.

Madaxweyne Biden oo 81 sano jir ah ayaa quuddareynaya in kursiga aqalka cad yaal mar kale lagu aamino, tiiyoo ay jiraan dad saluugsan karaankiisa ku aadden hanshada kursiga ugu saameynta badan dunida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker