Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami Oo Mudanayaasha Golaha Wakiillada Ku Eedeeyey Inay Carqaladeyaan Qabsoomida Doorashada

Siyaasi Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada JSL ku eedeeyey inay carqaladeynayaan qabsoomida doorashooyinka dalka Somaliland, si ay kuraasta ugu sii fadhiyaan.

 

Siyaasi Cadami ku tilmaamay Mudanayaasha Golaha Wakiillada qaarkood inay hub ka dhigtaan arrinta Saami qaybsiga oo had iyo jeer muran ka dhalisa  Golahaasha Qaranka iyo waliba Bulshada dhexdeeda.

 

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo ugu horreyn ka hadlaya sababaha uu u cuskanayo eedahan uu soo jeediyey Mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaa waxa uu yidhi, “Mudanayaasha Golaha Wakiillada JSL oo muddo badan ku fadhiyey kuraastu had iyo jeer waxay arrinta saami qaybsiga la sugaan marka ay doorasho soo dhawaato ee shan iyo tobankaasi sanadood marka aanay doorasho jirin kama hadlaan”. Siyaasi Cadami waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Ma wada eedeyno Mudanayaasha Golaha Wakiillada oo dhan, laakiin rag ka mid ah ayaa hub ka dhigtay arrinta Saami qaybsiga si ay ugu sii fadhiyaan kuraasida, immikana uguma horreyso ee waa mar wal oo ay doorasho soo dhawaato, sidaasi awgeed marka la is yidhaa doorasho qabta waxa immanaya carqaladaasi waana arrin laga soo shaqeeyo oo la soo abaabulo oo dad baa la soo kiciyaa si kuraasida loo sii fadhiyo, waxaana ka soo shaqeeya rag ka tirsan Golaha Wakiillada”.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker