Obama oo Trump ku dhaliilay qaabka uu u maareeyay faafitaanka Coronavirus

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama ayaa madaxweyne Trump si adag ugu dhalliilay qaabkii uu u maareeyay faafitaanka cudurka coronavirus.

 

 

Obama ayaa qaabka ay dowladda Mareykanka u wajahday cudurkan ku tilmaamay masiibo ba’an oo jahawareer abuurtay, waxa uuna dhibaatada ka dhalatay cudurkani ku eedeeyay qaabka dowladnimo ee maamulka madaxweyne Trump.

Obama oo la hadlayay kaaliyeyaashiisii hore iyo taageerayaashiisa ayaa sheegay in dhibaatadu ay tahay in maamulka Trump uu u fikiro qaab ah “maxaa iigu jira” sidaa awgeedna uu ku afceliyo dadka kale.

Kayleigh McEnany oo arrimaha warbaahinta u qaabilsan Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegtay in madaxweyne Trump uu cudurkaasi u maareeyay si wanaagsan isla markaana la badbaadiyay nolal badan, balse marnaba si toos ah uma aysan magaabin Obama.

 

 

Gudaha Mareykanka in kabadan 77,000 oo qof ayaa u dhintay cudurka coronavirus, halka 1,200,000 oo qof uu ku dhacay, waana tiradii ugu badnayd ee cudurkani uu ku dhaco caalamka oo dhan.

Gobollo badan oo dalkaasi ah ayaa bishii Maarso xayiraado ku soo rogay shacabkooga balse intooda badan hadda ayay khafiifinayaan xayiraadahaasi, waxaana dadka loo ogolaanayaa in ay shaqooyinkooda ku laabtaan.

Balse khubarada dhanka caafimaadka ayaa arrintan ka digaya, waxayna sheegayaan in ay suurtagal tahay in cudurkaasi uu dalkaasi ku sii faafo.

Madaxweyne Trump ayaa in muddo dhayilsanayay cudurkan, waxa uuna bishii Febraayo uu sheegay in aysan jirin halis weyn, oo cudurkaasi uu iska dhammaan doono, balse bartamihii bishii Maarso ayuu qiray halista cudurkan ku hayo dalkaasi Mareykanka.

Bishii Abriil ayuu jeediyay hadal muran dhaliyay oo ahaa in haddii dadka la waraabiyo jeermis-dilaha lagu farxasho looga gaashaaman karayo cudurkan, arrintaa oo ay markiiba ku gacan seyreen khubarada caafimaadka.

Usbuucii la soo dhaafay ayuu madaxweyne Trump shaaciyay in uu kala dirayo guddigii la tacaalidda cudurka Covid-19, balse markii dambe ayuu sheegay in guddigaasi uu haatan diiradda saarayo sidii xayiraadaha loo qaadi lahaa isla markaana dalka dib loogu furi lahaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Katie Miller oo ah kaaliya sare oo ka tirsan xafiiska madaxwayna ku xigeenka Mareykanka laga helay cudurka Coronavirus, maalin uun ka dib markii xubin ka tirsan shaqaalaha Aqalka Cad laga helay cudurkaasi.

Waxaa sidoo kale karantiil lagu sameeyay xubnaha qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska madaxwayna ku xigeenka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxwayne Trump iyo ku xigenkiisa imika maalin walba laga baaro cudurka islamarkana ilaa iyo imika aan feyrsika laga helin.

Madaxwayne Trump ayaa sheegay in uusan ka walaacsanayn feyriska ku soo fidayo aqalka cad.

Mar wax laga waydiiyay sababta uusan u xiran qalabka Sanka lagu xirto mar uu dhawaan booqday meelo ka baxsan Aqalka cad ayaa waxaa uu sheegay in uu dadka ka fogaado.

maalmo ka hor ayaa madaxweyne Trump waxa uu cudurkani saf-marka ah ee coronavirus ku tilmaamay in uu yahay “weerarkii ugu xumaa” ee abid lagu soo qaado Mareykanka, waxa uuna farta ku fiiqay dalka Shiinaha.

Trump waxa uu sheegay in cudurkaasi uu Mareykanka u galay si ka xun weerarkii Japan uu ku qarxiyay dekadda Pearl xilligii dagaalkii labaad ee adduunka ama xitaa weerarkii 11-kii Sebtembar ee sanadkii 2001.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa ka baaraan degaya in uu qaado talaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah Shiinaha, sababo la xiriira qaabka uu u maareeyay cudurkaasi iyo in uu dunida inteeda kale u qariyay cudurka.

Xukuumadda Beijing waxay sheegtay in Mareykanka uu doonayo in uu ka weecdo jawaabtiisii gaabiska ahayd ee ka hortagga cudurkaasi.

Bartamihii bishii la soo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ku eedeeyay maamul xumo iyo inay dabooshay xaqiiqooyinka ku saabsan coronavirus, kaddib markii uu ka dillaacay waddanka Shiinaha.

Wuxuu intaas ku daray inuu hakin doono dhaqaalaha uu Mareykanku ku taageero WHO, ilaa inta uu maamulkiisa dib u eegis uga sameynayo howlaha hay’addaas.

Mr Trump wuxuu sheegay inay jirto “xog la isku halleyn karo oo muujineysay in bishii December uu jiray tuhun laga qabay inuu dillaacay cudur bani’aadanka u kala gudba”, wuxuuna sida cad ula jeeday digniintii ay khubarada reer Taiwan u jeediyeen WHO.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker