Daawo: Falanqaynta Ciyaaraha , Real Madrid Oo Samaysay Saxeexeedii Ugu Horreeyey Ee Bisha January

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshiis la gaadhay laacibka lagu tilmaamo mutaqbalka waddanka Brazil ee Reinier Jesus oo u ciyaara kooxda Flamengo.

Reinier oo ka tirsanaa kooxdii ay Liverpool kaga guuleysatay Club World Cup bishii hore, ayaa waxa heshiiskiisa si rasmi ah loosoo bandhigi doonaa January 19, markaas oo ay da’diisu noqon doonto 18.

 

Labada kooxood ee Real Madrid iyo Flamengo ayaa ka heshiiyey qiimaha ay ku kala iibsanayaan oo lagu qiyaasay 30 milyan oo Euro, laakiin Los Blancos awood uma yeelan doonto inay heshiiska si buuxda u shaaciso illaa laga gaadhayo January 19.

 

Si ay uga badbaaddo in ay FIFA kusoo rogto xayiraad, Real Madrid waxay sugi doontaa in warbaahinta ay usoo bandhigto maalinta ugu horreysay ee ay da’da laacibkani noqoto 18 jirka oo ay hadda uga dhiman tahay 14 maalmood oo kaliya.

 

Real Madrid ayaa si degdeg ah uga faa’iidaysatay fursad ay ka heshay Flamengo oo hoos u dhigtay qiimaha lagu burburin karayo qandaraaska ay kula jirto Reinier oo markii hore ahaa 70 milyan laakiin lagu soo koobay 30 milyan oo Euro.

Laacibkan ayaa si toos ah ugu biiri doona kooxda heerka labaad ee Real Madrid Castilla, waxaana uu nasiib u yeelan doonaa in qaybta dambe ee xili ciyaareedka uu ka hoos ciyaaro Raul Gonzalez oo ah macallinka da’yarta.

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO FALANQAYTAAS WARARKA CIYAARAHA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker