Hano-qonina Sida Somalia,, Wasiir ka Tirsan Xukuumada Algeria oo ku Digtay Somali
Muqdisho (– Dowladda Algeria ayaa markale Soomaaliya Ku geftay, iyada oo wasiir ka tirsan xukuumadda dalkaasi uu tusaale xun u soo qaadatay, xilli uu ka hadlayey colaadda ka taagan dalka Liibiya.
Wasiirka arrimaha Debadda ee dalkaasi, Sabri Boukadoum oo la hadlayey Wariyeyaasha ayaa sheegaya inuu dhinacyada ku dagaalamaya Liibiya uga digay in dalkooda uu noqdo sida Soomaaliyada cusub oo kale, sida uu hadalka u dhigay.
Sabri Boukadoum ayaa u muuqdo mid muujinaya in haatan xaaladda Liibiya ay ka wanaagsan tahay, tan Soomaaliya.
“Waxaan ka digeynaa in dagaal-wakiileedka uu Libya ka dhigo Soomaaliyada cusub,” ayuu wariyeyaasha u sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Algeria.
Algeria oo dhacda waqooyiga Afrika ayaa horey ugu geftay Soomaaliya, waxaana dhowaan madaxweynaha wadankaasi Abdimajid Tebun uu tilmaamay xilli uu ka hadlayey xaaladda Syria in ay noqon doonto mid ka daran Soomaaliya, hadii aan heshiis dhab ah laga gaarin dagaallada muddada dheer ka socda gudaha dalkaasi.
“Xaaladda Libya waxay noqon kartaa mid ka darran sidii dalka Syria, haddii aan la gaadhin heshiis nabadeed iyo xabad joojin….waxaan ka baqayaa in qabiil waliba uu is hubeeyo, kadibna ay xaaladdu la mid noqoto sida Soomaaliya oo kale,” ayuu yidhi isaga oo warramayeyTV-ga Faransiiska laga leeyahay ee France 24.