Ilmihii Ugu Horeeyay Ee 2020 ku Dhashay Toronto Oo Noqday Wiil Somali ah.(Sawiro)

Warbaahinta ugu waa weyn ee dalka Canada ayaa baahisay in Wiil Soomaali ah uu Noqday qofkii ugu horeeyay ee ku dhashay magaalada Toronto ee dalka Canada ilbidhiqsiyadii ugu horeeyay ee sanadka cusub 2020.

 

Wiilkan yar oo Loo bixiyay magaca Amiir ayaa ku dhashay isbitaalka Humber River Hospital ee magaalada Toronto, wiilkan ayaa dhashay saacadu markii ay ahayd 00:00 (12:00) ee sannadka cusub 2020.

 

Aabaha dhalay wiilkan yar oo lagu magacaabo Deeq Maxamed Faarax ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in wiilkiisii  Curudka uu dhasho Sanad cusub sidoo kale-na  noqdo qofkii ugu horeeyay ee Toronto ku dhasha Curashada sanadka cusub.

 

“Dareenka Aabe ahaan aan qabo wuxuu yahay in aan aad iyo aad ugu farxay. Farxaddeyda meesha ay gaadhay ma aysan gaadhin intii aan noolaa, inaga horey uma qorsheysan mana fileyn in Wiil kaygu uu dhalan doono sannadka cusub” ayuu yidhi Deeq Maxamed.

 

Warbaahinta dalka Canada ayaa warar badan ka sameesay dhalashada wiilkan yar ee asalkiisu Soomaaliga yahay, waxaana waalidiinta wiilkan qaxootinimo ku galeen dalka Canada sanadihii sannadkii 2014-kii iyo 15-kii.

Maalintii koobaad ee sanadka cusub ayaa daafaha caalamka waxaa ku dhashay qiyaas ahaan caruur gaareysa 392,078 sida ay baahisay Hay’adda caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNICEF.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker