Dowladda Honduras oo xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah la sameysatay Shiinaha

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Honduras, ayaa ku dhawaaqday galabnimadii 25-kii Maarso waqtiga maxalliga ah, in waddankooddu uu xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Taiwan.

Ka dib, 26-kii Maarso, waqtiga Beijing, dawladda Shiinaha, ayaa waxay ku dhawaaqday aasaasidda xiriir diblomaasiyadeed oo ay la yeelanayso dalka Honduras.

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha, Qin Gang, iyo wasiirka arrimaha dibadda Honduras, Reina, ayaa ka qeyb galay xafladda aas aaska xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, oo ka dhacday aqalka martida ee Diaoyutai ee magaalada Beijing.

Dhacdadaasi ka hor, 9:30 subaxnimo ee 26-kii March, maamulka Taiwan, ayaa waxa uu qabatay shir jaraa’id, oo uu ku sheegay inay u jartay xiriirkii diblomaasiyadeed dalka Honduras.

Taas ayaa ka dhigaysa tirada dalalka uu Taiwan xiriirka diblumaasiyadeed la leeyahay 13 dal.

Sagaal waddan ayaa xiriirka u jaray dawladda Taiwan ee Jamhuuriyadda Shiinaha, tan iyo markii Tsai Ing-wen la doortay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker