Guddoomiye Cirro Oo Ololaha Doorashada kala qayb galay taageerayaasha Xisbiga ee Oodweyne.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xalay ololaha doorashada kala qayb galay taageerayaasha Xisbiga ee Magaalada Oodweyne. Ololaha doorashada oo guud ahaan dalka uga bilaamay Xisbiga WADDANI ayaa guddoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminaya bulshada kala qayb galayaan deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Daadmadheedh iyo Maroodijeex oo taageerayaashu isu-soo baxyo waaweyn ka samaynayaan xalay ilaa maanta.