Shacbiga Ciraaq oo Ku Gadooday Safaarada Maraykanka ee Caasimada Baqdaad
Ciidamada Ammaanka ee Safaaradda Mareykanka ee Baghdad ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibad-baxayaal Cadhaysan oo soo jebiyey darbiga hore ee dhismaha safaaradda.
Dibad-baxayaasha oo dhowr kun ahaa yaa ka Cadhooday Duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadeen maleeshiyo Iiraan ay taageerto oo ku sugan dalalka Iraq iyo Syria.
Banaan-baxayaasha ayaa dab yar ku shiday darbiga Safaaradda, islamarkaana dhagxaan ku tuuray ayaga oo sita calamo ay ku taageerayaan kooxaha maleeshiyada ah.
Duqeymahaas oo dhacay Axaddii ayaa dhaliyey carro iyo cambaareyn ka timid saraakiisha sare ee Iraq, hase yeeshee dowladda Mareykanka ayaa difaacday ficilladeeda, waxaana ay ka digtay inay mar kale weerari doonto.
βUma ogolaan doonno Iran inay ku baxsato inay maleeshiyo hoos tagta u adeegstao inay ku weerarto danaha Mareykanka,β waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.
Duqeymaha Mareykanka ayaa beegsaday baqaarada hubka iyo goobaha looga taliyo kooxda Kataeb Hezbollah ee dalka Iraq iyo Syria, waxaana ku dhintay 25 qof, ayada oo tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen.
Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in duqeymaha ay jawab u ahaayeen gantaal lagu soo weeraray saldhig military oo Mareykanka uu ku leeyahay Iraq, kaasi oo lagu dilay qandaraasle Mareykan ah.
Saraakiisha waxay intaas ku dareen in caddeymaha la helay ay muujiyeen in shaki laβaan ay weerarka ka dambeysay kooxda Kataeb Hezbollah.
Raβiisul wasaaraha Iraq, Adel Abdul Mahdi ayaa Isniintii cambaareeyey duqeymaha, waxaana bayaan uu soo saaray uu ka digay in ficillada Mareykanka ay yihiin kuwa aan la aqbali karin βoo yeelan doona caqaabih halis ah.β