Siyaasiga soo xanaaqay aynu ula dhaqano sida oorida soo carootay

Siyaasiga soo xanaaqay aynu ula dhaqano sida oorida soo carootay Horta siyaasigu wax kale maahee waa ina hebel hebelkii ina ka dhashay ee aynu geela wada raaci jirney ama kubbadda wada ciyaari jirney oo halka ragga qaarki ganacsi ama xammaal galeen isagu siyaasadda galay. Siyaasadda marka la galo ama madax la noqdo qof kale lama noqdo, rooxaan gaarana siyaasiga kuma soo degto ee nin walba wuxuu siyaasi ku noqonayaa wixii uu awal ahaa ee aad ku taqaaney ee ah caqli, aqoon, khibrad, daacadnimo, karti iwm.

 

Haddii uu markiisii hore wanaag lahaa way ka soo bixi doontaa, haddii xumaan lugubyaqaanayna siyaasadu way usii kordhinaysaa. Siyaasigu marka uu xildhibaan noqdo ama xukuumadda wasiir ka noqdo ama uu jaal la yahay wuu ku faraxsan yahay, beesha iyo deegaanka uu ka soojeedana wuu u ammaanaa oo ku qanciyaa innlabtaageero lkn markii wax isbadalaan ee uu jagada waayo ama ay albaabka ka xirato qolada talada haysa ayuu tolka kula soo dhexdhacaa qaylodhaan, geelii la qaad iyo tolka wax looma ogola!!.

Kaaga darane markaa uu cabashada wado ee uu tolka kicinayo kuma gaabsado ragga ay is-hayaan ee wuxuu u tillaabaa qabaa’ilka ay ka dhasheen ama deegaanada ay ka soojeedaan, wuxuuna soo faagaa loolanadii taariikhda soo dhexmaray labada reer iyo geelashii la kala qaaday; si uu warma-qabtada u dagaalgaliyo oo ay u gaadaan ama u miraan warma-qabto kale oo masaakiin ah. Haddaba waxgaradka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay siyaasiyiinta beelohooda labo goorba ka digtoonaadaan, bulshadana uga digaan: 1. Marka hore ee ay guulwadaynayaan ee ay xukuumadda iyo hoggaankeeda awliyada inooga dhigayaan yaan indha la’aan lugu dabagalin ee si miyir ah danaha dalka iyo ummadda ha loogu taageero. 2. Marka dambe ee ay qaylodhaanta iyo tol-beelayda ina kula soo dhex-dhacaana yaynaan hawtalhamagnimo ula gurman ee aynu ula dhaqano sida afo (soo carootay). Afada soo carootay waxaa jira arrin gaar ah oo markaas kicisay, kuna bixisay inay reerkeeda ka tagto laakiin markii dhexdhexaadin la galo ee gartaada sheego lugu dhoho waxay tirinaysaa tan iyo markay ninkaan is guursadeen wixii dhexmaray ee lagama yaabo inay mushkiladda hadda taagan kaliya kuu sheegto.

Ninka garta qaadaya isagaa laga rabaa in uu gabadha hadalkeeda kala dhex boxo qodobada hadda taagan ee u baahan in la xalliyo laakiin haddii uu dib u raaco 20 sano ka hor wax soo dhexmaray mushkiladuna ku xallismi mayso, iyadana wixii hadda kiciyey oo gubayey maaha. Haddaba waxaynu u baahanahay marka siyaasi soo carooday uu qaylodhaan ina kula soo dhex dhoco in aynaan dhag-jalaq u siin eedaha, wararka tirada badan iyo taariikhihii hore ee uu soo qufay ee waxgaradku hadalkiisa ha kala dhex bexeen waxa hadda u daran ee uu ka eedsheeganayo, hana lala xalliyo hadday suurtagal tahay, dadka uu kicinayana ha loo sheego in odaygii la aamusiyey oo aan balaayo jirin. Gabagabadii uma diidanin in siyaasiga la yara caawiyo marka uu tolka soo muto laakiin waa in aynaan xadgudub ku caawin, tolkana aanu ku beerin cuqdad iyo nacayb aan jirin oo ummadda kala geynaya.

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker