Kenya oo soo Bandhigtay Xeelad cusub oo ay kaga Horte-gayso Weerarada Al-Shabaab
Wajeer (OWN) – Maamulka magaalada Wajeer ayaa shaaca ka qaaday in ay Diyaariyeen istiraatiijiyad cusub oo lagu Xaslinayo Amniga magaalada Wajeer kaddib markii ay kordheen weerarrada Al-shabaab ka geystaan Magaaladaasi.
Jacob Narengo Guddoomiyaha Wajeer, ayaa Warbaahinta u sheegay in ay go’aansadeen in ay kulan la qaataan odayaasha Gobolka Gedo ee dhinaca Soomaaliya iyo Odayaasha Wajeer ka dibna Sameeyaan Guddi isku dhaf ah oo ka wada shaqeeya Amaanka Sohdinta labada dal.
Guddoomiyaha ayaa Odayaasha Labada Dhinac ka dalbay in ay si wadajir ah ugu wada shaqeeyaan amniga, islamarkaana xoogga saaraan sidii Hay’adaha amniga ee Kenya ay u heli lahaayeen xogaha weerarrada Al-shabaab ka hor inta aysan fulin.
Xeeladaan cusub ee lagaga hortagayo weerarada Al-Shabaab ayaa imaaneyso kadib markii ay cirka isku shareertay weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.
Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inaysan joojin doonin Weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya inta ay ciidamada Kenya isaga baxayaan Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa waxaa ka joogo ciidamo badan oo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ee kaasoo muddo ka badan 10 sano ka socdo Soomaaliya.