Somaliland: Beelo Walaalo ah oo Heshiis Rasmi ah ku soo Afjaray Colaad u Dhexaysay oo Muddo Dheer ka Taagnayd Degaanka Ceel-afweyn
Beelaha walaalaha ee ku wada nool degaannada Ceel-afwey iyo Darar-weyne ee Gobolka Sanaag, ayaa si rasmi ah uga heshiiyey colaad sababtay dagaalo khasaare badan dhaliyey oo ka dhacay degaannadaas Gobolka Sanaag.
Shir ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Ceel-afweyn maalintii Axadda ee taariikhdu ahayd 22 December 2019, kana qaybgaleen madax-dhaqameedka, odayaasha iyo wax-garadka labada beelood ee Baho oo ka mid ah Beel-weynta Habar-jeclo iyo Idarays oo ka mid ah Beel-weynta Habar-yoonis, ayaa la iskula qaatay in si rasmi ah looga heshiiyo, Ilaahayna looga tawbadkeeno dagaaladii sokeeyey ee labadaad beelood hore u dhexmaray, iyadoo sidoo kale ay shirkaas goob-joog ka ahaayeen wefti ka socday Dowladda Somaliland oo isugu jira Wasiirro, saraakiisha ciidammada iyo masuuliyiin kale oo xilal ka haya Xukuumadda Somaliland.
Ergooyin kala kala socday labada beelood ee Baho iyo Idarays oo shir nabadayn ah uga socday degaanka Ceel-afweyn ilaa bishii November ee sannadkan 2019, ayaa ugu dambayntii isla qaatay heshiis ka kooban laba qodob oo xambaarsan 16 farqadood oo koobsaday in laga heshiiyey wax kasta oo dhexmaray labada beelood, wixii dambe ee dhacana lagu koobo cidda falkaas gaysata oo qudha, dhinacna looga soo wada jeedsado ilaalinta nabadgelyada iyo wada-noolaansha.
Waxaannu heshiiskaasi u dhignaa sidan;
“Qodobka 1-aad: Iscafin iyo tawbad-keen
Maadaama oo colaadda labada beelood dhexmartay ay ahayd mid ku salaysan qabiil, shareecada islaamkuna ay u taqaanno fidmo iyo xaaraan, sida ay caddeeyeen kitaabka Ilaahay iyo Axaadiista Rasuulka (CSW), natiijadooduna ay tahay ifkana caqiibo xumo, aakhirana cadho Ilaahay iyo cadaab, waxay labada beelood go’aansadeen;
1. In Ilaahay loo tawbad keeno, qof-qof, beel-beel iyo guud ahaanba iyo in laga murugoodo dhiigii la daadiyey, cirdigii la xalaashaday, rixim-goysnimadii iyo dhammaanba dunuuftii ka dhalatay fidmadaas iyo in lagu beddelo wanaag.
2. Waxa laga qaatay cafis caam ah dhammaanba wixii dhib ah ee soo kala gaadhay labada beelood ee walaalaha ah muddadii ay colaaddu socotay.
3. Waxa lagaga heshiiyey dhammaanba dadkii ku kala dhintay labada beelood in mag lagu kala qaato, dhaawacyadiina la xaqdo.
Qodobka 2-aad: nabadgelyada iyo wada-noolaanshaha
Waxa ay labada beelood ku heshiiyeen;
1. In nabadgelyo buuxda iyo wada noolaansho dhammaystiran oo la mid ah sidii ay awal ahaan jireen labada beelood ee Baho iyo Idarays.
2. Qofka iyo cidda jabisa nabaddaas ee wax u dila si badheedh ah, camdi isaga ayey ku gaar tahay (Gacani waa nin leh u go’do), waana loo dilayaa, waxaanna gacan-ku-dhiiglaha ama gacan-ku-dhiiglayaasha go’aankooda iska leh weliyu-damka qofkii la dilay.
3. Qofka ama cidda ku kacda wax nabadda waxyeelaya, sida uu ku hanjabo dil, xabbad rido, jid-gooyo sameeya, ku kaca falal ah kicin iyo muusanow beelaysan ama waxkasta oo xaalad abuur ah af iyo adinba waxa la horgaynayaa sharciga.
4. In ay reeban tahay in laga fal-celiyo dil uu qof gaystay sifo shaqsi ah ama koox ahaan, haddii ay dhacdana qofka ama kooxdaas ka fal celiyey waa dambiilayaal la mid ah ciddii falka hore gaysatay, falka ay gaysteen dambigiisa ayaana lagu qaadayaa.
5. Cidkasta oo dil gaysata ama nabadgelyo-darro ku kacda waxa soo qabashadeeda masuul ka ah beesha uu ka dhashay iyo Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga ayaana lagala xisaabtamayaa inay sharciga horkeenaan.
6. Cidkasta oo dhib gaysata oo baxsata waxa loo qabanayaa ehelkiisa iyo qoyskiisa dhammaantood oo ay ugu horeeyaan Aabbihii, hooyadii, xaaskiisa ama xaasaskiisa, carruurtiisa iyo ciddii kale ee looga maarmi waayo. Sidoo kalena waxa ay Dowladdu la wareegaysaa oo ay xannibaysaa hantidiisa iyo hantidooda.
7. Cidkasta oo qarisa, taageerta ama difaacda dambiile nabadda jabiyey waa la dambi, sharciga ayaana la horgaynayaa.
8. Waxa reeban in hub lala dhexmaro magaalooyinka iyo goobaha la isugu yimaado ee caamka ah, sida magaalooyinka, tuulooyinka iyo ceelasha.
9. Ciidanka Dowladdu waxa ay u fasaxan yihiin inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan, hubkana ay kala wareegaan cidkasta oo hub la dhexmarta magaalooyinka iyo goobaha la isugu yimaado, hubka lala wareegana aan ciidanka lagaga daba tegin.
10. In cidkasta oo ku kacda dacaayad ama borobogaandho ka dhan ah degaanka iyo wada-noolaansha labada beelood meel looga soo wada jeedsado, tallaabo sharciga waafaqsana laga qaado.
11. Hawl-gelinta Guddiyo nabadgelyo oo isku-dhaf ah oo tiradoodu dhan tahay 40 xubnood oo ka kala hawlgala degaanka Ceel-afweyn, Darar-weyne iyo nawaaxigooda oo wada-shaqayn toos ah la yeelan doona ciidammada nabadgelyada, maamulka Gobolka Sanaag iyo maamulka degmooyinka.
12. Waxa ay labada beelood cafis, nabad iyo wada-noolaansho ugu baaqayaan beelaha kale ee degan degaanka Ceel-afweyn.
13. Labada beelood waxa ay isla qaateen in wixii dhib ah ee ka dhex dhaca beelaha kale ee degaanka ah ay dhex ka ahaadaan, wanaagna ay kaga shaqeeyaan, isla markaana aanay ka gelin wax hiil ah.