Warbixin 2021: 293 Saxafi La Xidhay, 42 Kale La Dilay, Itoobiya ayaa ugu Daran Dalalka Saxaraha Ka Hooseeya

 Warbixin ay soo saartay CPJ sanadkan ayaa lagu sheegay in saxafiyiinta lagu xidhay dunida 2021-ka ay gaarayaan ilaa 293 halka 24 saxafi loo dilay sababo shaqadooda la xiriira, waxaa kale oo jiray 18 kale oo iyaguna la dilay balse aan la garaneyn sababta dilka.

Shiinaha sanadkan waxaa lagu xidhay 50 saxafi , waana dalka ugu badan, Myanmar ayaa ku xigta halka ay dalalka kale aad saxafiyiinta loo xiro ay ku jiraan Egypt, Vietnam, iyo Belarus.

Dalalka Carabta waxaa aad looga deyriyey Sacuudiga iyo Masar, dalka hore waxaa la sheegayaa in saxafiyiinta ay baqeen iney sida ay doonaan wax u sheegaan kadib dilkii Khashukhji halka Masar ay tahay dal si xun loola dhaqmo saxafiyiinta sida warbixintu sheegtay.

Dalalka saxaraha ka hooseeyaan, Itoobiya iyo maamulka Abiy Axmed ayaa noqday dalka ugu badan ee saxafiyiinta lagu waxyeeleeyo kadib dalka Eritrea, Soomaaliya waxaa 2021-kii lagu xidhay labo saxafi.

 

Source: https://cpj.org/reports/2021/12/number-of-journalists-behind-bars-reaches-global-high/

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker