Aaska Muslimiinti lagu dilay New Zealand oo billowday

Labo ka mid ah Muslimiinti Jimcihi lagu laayay dalka New Zealand ayaa Arbacada maanta ah la aasay, taasoo noqoneysa aaski ugu horreeyay ee loo sameeyay 49-ka qof ee lagu dilay laba masaajiid oo ku yaalla magaalada Christchurch.

 

Labada meyd ee maanta la aasay ayaa kala ahaa Khaled Mustafa oo ah 44 jir iyo wiilkiisa Hamza oo 15 jir ahaa. Labaduba waxay ka mid ahaayeen dadki lagu dilay Masjidka Al Noor.

 

Boqollaal qof oo u badnaa muslimiin ayaa ka qeybgalay aaska oo aroornimada hore ee Arbacada maanta ah ka dhacay qabuurro aanan sidaasi uga fogeyn masjidka Linwood ah mid ka mid ah labada masjid ee uu beegsaday ninka weerarka geystay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker