Madaxweynihii Hore Ee Dowlad Deegaanka Oo Markale Maxkamad Lasoo Taagay-Sawiro

Hargeysa(OWN)-Waxaa Maxkamad ku taala magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia markale maanta lasoo taagay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kula eedeysan kiiska dacwada ah ee loo haysto.

Sababaha loo soo taagay markale maxkamada Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha la eedaysan ayaa lagu sheegay dhageysiga dacwada lagu oogay Cabdi Maxamuud Cumar madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida. Muddo 14 cisha ah oo ay dib u dhacday dhageysiga dacwadan ayaa maxkamada dhageysanaysa kiiska dacwadiisa ay go’aansatay in ay dib u bilowdo.

Dhageysiga dacwada oo barqanimadii maanta ka bilaabatay maxkamada ayaa waxaa soo xaadiray qareenada u doodaya CMC iyo ehelada qaar kamid ah qoyska madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud ,waxaana goobta ay socotay dhageysi dacwada lagu soo bandhigay dukumintiyo lagu muujinayay kiiska dacwadeed ee Cabdi iyo xulafadiisa.

Waa markii afaraad oo uu madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida kasoo hormuqdo maxkamad ku taala Ethiopia mana cadda halka ay si rasmi ah u saldhigan doonto dacwada kiiska loo haysto isaga iyo xubnihii kala tirsanaa xukuumdii uu majaraha.

Si kastaba ha ahaatee 27-kii bishii August ayay ahayd markii Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kamid ahaa DDSI xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu soo eedeyay gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed,waxaana tan iyo xiligaas isaga iyo xubnaha la eedeysan ay ku xirnaayeen xabsi ku yaala magaalada Addis Ababa oo ay weli xukun sugayaal ku yihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker