Dhegayso: Shirkii Heritage ee Jabuuti oo lasoo geba-gebeeyey

Kulanka Madasha Aragti is-weydaarsiga Soomaalida ee uu soo qaban qaabiyey machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa maanta lagu soo geba-gebeeey magaalada Jabuuti.

 

Kulankan oo socday Saddex maalmood Waxaa sanadkan hal ku-dhiggiisu ahaa Kaalinta Soomaalida ee Nabadda Geeska Afrika.

Arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa, Nabadda Geeska Afrika, arrimaha Somaliland, horumarinta kartida umadda, ganacsiga, siyaasadda iyo doorashooyinka Soomaaliya  iyo kuwa Somaliland , iyo xaaladda amniga ee gobolka.

 

Xubnihii matalayey dowladda Soomaaliya ee shirka ka qeyb-galay ayaa ballan-qaaday inay taabo geliyaan qodobadii Shirku isku Raacay .

Shirka  waxaa soo Xidhay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo fidiyey Gogasha shirka.

 

Warbixintaas oo dhamaystiran Halkan Hoose Ka Dhagayso.

 

https://youtu.be/yRv5oAcVF9I

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker