Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolahiyadda JSL oo Ka Waramay Bogga Wasaaradda iyo Sida uu Hawada uga Maqan Yahay.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolahiyadda Somaliland oo Ka Xog-Waramay Bogga Wasaaradda iyo Sida uu Hawada uga Maqan Yahay.

“Laga soo bilaabo markii ay bogagga rasmiga ah ee dawladdu bilaabeen baahintii tooska ahayd ee safarkii Madaxweynaha JSL, waxa bogga Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda lagu bilaabay weeraro isdaba joog ah oo looga dan leeyahay in lagu jabsado boggoga rasmiga ah ee Wasaaraddu ku leedahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho.
Haddaba, si wax looga qabto weerarada noocan ah oo adduunka il-bidhiqsi kasta ka dhaca waxa wasaaraddu degdeg u wargalisay shirkadaha addeega Baraha Bulshada bixiya ee Facebook iyo Twitter, waxaana la waddaa dedaalo lagaga hortagayo weerarada ku socda bogagga Wasaaradda.
Ugu danbayntii, waxa aan ku wargalinaynaa bulshada ku xidhan bogagga ay wasaaraddu ku leedahay Baraha Bulshada in ay sidaa ula socdaan kana raali ahaadaan wixii ay dhibsadaan ee ay keento xaaladdani.”

Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi .
Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker