Dhaawacyo iyo Bood Hantiyeed oo Loo geystay Ganacsatada Soomaalida ee Koonfur Afrika
Cape Town (OWN) โ Wararka ka imaanayo Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay boob xoogan Loo geystay dukaamo ay ganacsato Soomaali ah ku lahaayeen gudaha dalkaasi.
Kooxo budhcad Afrikan ah ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen Dukaamadaasi, iyaga oo boob kula dhaqaaqay goobahaasi ganacsi oo ay Soomaaliyi lahaayeen.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahaasi budhcada ah ay qaateen lacago iyo Agabyo lale oo muhiim ah.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in intii u socday boobka la dhaawacay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida, walow Dhaawocooduย fudud yahay.
Waxaa sidoo kale mar dambe goobta gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, basle sida caadada ah waxaa halkaasi ka baxsatay budhcadii.