Buugii Ay Qortay Edna Aadan Oo Holland Lagu Soo Bandhigay
Waxaa xalay magaaladda Danhag ee Dalka Holland lagu soo bandhigay Buug ay qortay Drs. Edna Aadan Ismaaciil.
Buugaasi oo magaciisu yahay hormoodka haweenka ‘A women of firsts’ ayaa ka waramaya waayaheedda nololeed iyowaxyaabihii taariikhiga ahaa ee ay soo martay Drs. Edna.
Xafladda lagu soo bandhigayay buugaasi oo uu soo qaban qaabiyay Jaaliyada Somaliland ee dalka Holland , waxaa ka soo qayb galay Jaaliyada Somaliland dalkaasi, siyaasiyiin, qoreyaal, aqoonyahoo, dhalinyaro iyo haween ka tirsan Baalamanka Holland.
Qoraaga buuga hormoodka haweenka Drs. Edna Aadan Ismaaciil, oo hadal ka jeedisay munaasibadda ayaa ka warantay waxyaabihii ku dhaliyay in ay buugaasi qorto.
Waxaanay sheegtay in buugaasi qoristiisa ay muddo badan soo waday, balse ay aakhirkii qoristiisa bilawday sanadkii 2005-tii, kaasoo ay ku duugan yihiin dhacdooyin xambaarsan waxyaabo kala duwan.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holand Maxamuud Cabdale Digaale iyo Xildhibaano ayaa hadalo ka jeediyay bandhiga Buuga loo Sameeyay Adna Aden ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in ay socdaal ku timaado Adna Aden dalka Holand, isla Markaana ay farxad u tahay in halkaa ku soo dhaweeyaan.
Hoos ka daawo muuqaalka Sawirrada
Wariye: Abdikarim Qoorgaab