Booliska Manchester Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Cunsuriyadeeyay Ciyaartoy U Ciyaara Man United.
Booliiska Manchester ayaa Gacanta ku dhigay Nin 41 jir ah oo aan Magaciisa la shaacin, kaas oo lagu Tuhunsan yahay in uu hadalo Cunsuriyad iyo nacayb ah kula kacay Ciyaaryahanada kooxda Manchester United, waqti ay socotay ciyaar xiiso leh oo u dhaxaysay labada Manchester, taas oo ka dhacaysay Garaaonka Man City ee Ethihad Stadium.
Warbixin ay soo saareen Boliiska Magaalada Manchester ayaa lagu sheegay in Booliska la soo wargaliyay, isla markaana ay heleen warbixin ku saabsan taageere la sheegay in uu ku dhawaaqayay hadalo cunsurinimo iyo codad ah oo ka dhan ah ciyaartoyda, intii lagu guda jiray qaybtii labaad ee ciyaarta dhexmaraysay labada Manchester.
Taliyaha booliska Manshester Chris Hill ayaa yidhi โBaadhitaanka ayaa wali socda, Suโaalo dheeraad ah ayaanan waydiinaynaa ninkan la tuhunsahay ee gacanta booliska ku jira, sideedabana Midab takoorku boos kuma laha kubada cagta iyo bulshadeena waxaanan rajaynayaa in xarigani muujinayo inaan arintan si dhab ah uga soo horjeednoโ
Ciyaaryahanada Manchester United ee Fred iyo Jesse Lingard ayaa ahaa kuwa lagula kacay hadaladan cunsuriyada ah, waxana ciyaaryahanka reer Brazil ee Fred uu yidhi โEebe ayaa mahad leh, qolka nasashada ee kooxda waxaan ku leeyahay saaxiibo wanaagsan oo I raaligaliyayโ waxana la arkayay ciyaaryahanka kale ee Jesse Lingard oo si kal iyo laab ah u salaamaya Fred.