Hantida Uu ka Tagay Madaxweyne Robert Mugabe Oo la Shaaciyay.

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo dhowaan Geeriyooday ayaa ka tagay lacag gaadhaysa 10 milyan oo doolar sida lagu sheegay wargeyska Herald.

 

Mugabe oo Geeriyooday bishii September ayaan helin wakhti uu ku qoro dhaxalkiisa, taasoo Sababtay in dowladda ay qaado tallaabo lagu baadigoobayo Hantidiisa iyo inta ay dhan tahay.

 

Bona Chikowore oo ah gabadha uu dhalay Mugabe ayaa bishii October Shaacisay inuu Aabaheed ka tagay $10 milyan oo dollar, afar guri iyo beero ku yaala baadiyaha uu ka soo jeedey, isagoo sidoo kale lahaa 10 gaadhi.

Mugabe oo Xukunka dalkiisa hayey in ka badan 30 sano ayaa la sheegay in hatididiisa ay aad u yar tahay marka la eego keligii Taliyeyaashii soo Maray Xukunka Wadamadaย  afrika intooda badan oo markii ay dhinteen la ogaaday Inay Haysteen Balaayiin dolar oo ay ku qarsadeen Bankiyo caalami ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker