Xisbiyada Mucaaradka ee degaanka Soomaalida oo cambaareeyay weerarka ay Al Shabaab ku soo qaaday dowlad degaanka Soomaalida

War saxaafadeed ay soo saareen qaar kamid ah xisbiyada Mucaaradka ee dowkad degaanka Soomaalida ayay kaga hadleen weerarada kala duwan ee maalmahan ay Al Shabaab kusoo qaaday qaybo kamid ah dhulka dowlad degaanka Soomaalida.

Haddaba Xisbiga Mucaaradka ee FEP oo kamid ah xisbiyada ugu waawayn degaanka Soomaalida ayaa waxa uu War saxaafadeedkiisa ku sheegay inay ka xisbi ahaan cambaaraynayaan weerarada Al Shabaab ay kusoo qaaday degaanka Soomaalida, waxa kale oo ay sheegeen in loo baahan yahay in si wada jir ah loogu midoobo Muxaafad iyo Mucaarad in dhinac looga soo wada jeesto ladagaalanka Al Shabaab, waa siday War saxaafadeedkooda ku sheegeen.

Dhinaca kale Ururka ONLF ayaa dhinacooda Warsaxaafadeed kasoo baxay waxay ku cambaareeyeen weerarada maalmahan ay Al Shabaab kusoo qaaday qaybo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida, iyagoo xusay in loo baahan yahay in si guud shacabka, xukuumad iyo xisbiba loo taageero hay’adaha amniga ee degaanka Soomaalida, iyagoo Xukuumaddana ugu baaqay inay ka howlgasho sidii loo sugi lahaa amiga iyo badqabka dadka iyo dhulka degaanka Soomaalida.

Dhanka Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida iyo Dowladda dhexe ee Itoobiya midna kamaysan hadlin weerarka ay maalmahan Al Shabaab kusoo qaadaysay qaybo kamid ah dhulka dowlad degaanka Soomaalida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker