Khabiir Maraykan ah oo soo Bandhigay Tirada Rasmiga ah ee Ciidanka Amisom lagaga dilay Somalia 10kii Sano ee u Dambeeyay

Warbixin cusub oo uu soo saaray Khabiir u dhashay Maraykanka, kuna takhasusay Dagaalada Noocan Somalia ka socda oo kale ah  Gaar ahaanna kuwa Al-Shabaab ayaa lagu muujiyey in 1,800 oo Askari oo  ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM lagu dilay Dagaalladaasi tan iyo sannadkii 2007-dii.

Professor Paul Williams oo baadhitaankiisa saldhig uga dhigay illaa Shan arrimood oo ay ugu horeyso Dukumiintiyada lacagaha magdhowga ah ee la siiyey qoysaska la dilay ee Ciidamada AMISOM tan sanadkii 2007.

 

Professor Paul Williams oo Arrimaha Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda George Washington University waxa uu Tiro-koobka khasaaraha soo gaadhay Askarta AMISOM muddadii u dhexeysay bishii March ee sannadkii 2007-dii ilaa bishii December sannadkii hore ee 2018-kii ku sheegay inay u dhexeysay 1,483 Askari ilaa 1,884 Askari oo la dilay.

 

Wuxuu sidoo kale sheegay inay tirada intaas ka badan karto, wuxuuna soo xiganayey Liiska Magacyada iyo darajada Ciidamada AMISOM ee lagu dhajiyey darbiga Midowga Africa ee Magaalada Adis Ababa kuwaas oo lagu dilay Howlgalada Midowga Africa ee Wadamada Burundi, Afrikada Dhexe, South Sudan iyo weliba Somalia.

Wuxuu sheegay inaan si rasmi ah loo ogaan karin tirada Ciidamada AMISOM ee lagu dilay Soomaaliya maadaama illaa hadda aysan Dowladaha Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya aysan usoo bandhigin tirada ciidamada looga dilay Soomaaliya.

Prof. Williams ayaa sheegay in bishii Aagust  ee sanadkan 2019 in Darbiga Xarunta Midowga Afrika lagu qoray magacyada illaa 1,108 askari oo ah askarta lagu dilay Soomaaliya.

Warbixinada Maaliyadeed ee Midowga Afrika laga helay inta u dhaxeysa 2014 iyo 2018 waxay muujinayaan in Midowga Afrika ay bixisay lacag gaareysa 74.6 Milyan oo ah magdhawga Askarta la dilay.

Professor Paul Williams ayaa warbixintaan kusoo bandhigay Machadka Caalamiga ah ee Nabadda ee New York , wuxuuna AMISOM ku eedeeyey inaysan warbaahinta la wadaagin khasaaraha soo gaaray Ciidamadooda taasina ay fursad weyn siisay Al-Shabaab oo soo gudbiya tiro aan la hubin in laga dilay AMISOM sida uu hadalka u dhigay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker