Murrashax C/raxmaan Cirro Oo Gurigiisa ku qaabilay hooyo Siraad Cali Caafi
Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa gurigiisa ku qaabilay hooyo Siraad Cali Caafi oo shalay saxaafadda ka sii daysay walaaca ay ka qabto maceeshadda qaaliyawday iyo duruufaheeda nololeed.
Murrashaxa ayaa hooyo Siraad ugu deeqay qadar lacageed , waxaanu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay caawiyaan hooyadan dhibaataysan.