Muxuu Daarnaa Kulan Dhexmaray Siyaasi Maxamuud Xaashi Iyo Xildhibaan Faratoon

Dareen Noocee ah ayaa Ku Lamaan in Maxamuud Xaashi Caweyskii Kulan Raaligalin ah ugu Taggey Xildhibaan Faratoon Gurigiisa?

Sida ay Xaqiijinayaan, Warar Ka agdhaw Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa, Sheegaya in uu Caweyskii xalay  ugu taggey Gurigiisa Caasimada Hargeysa Xidhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir( faratoon), oo ay Saaxiibo si aad ah isugu dhaw ahaayeen Xiligii ay kawada tirsanaayeen Golihii Wasiirada Xukuuumadii Madaxweyne Axmed Maxamuud (Siilaanyo), Waxaanu Kulankoodu Kusoo beegmay Kadib, Markii ay Jilbaha is dhigeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo ay Ka Wada hadleen Arimo fara badan.

Kulanka Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Faratoon inkastoo aannu jirin War Rasmi ah oo Kasoo baxey, dhinacooda haseyeeshee, Sida ay sheegeen, ilo ku dhadhawi Waxa uu ujeedada Kulankoodu, daarnaa in Maxamuud Xaashi, Xildhibaanka ka raaligalinayey, Doorkii uu kulahaa Loolankii Shirgudoonka Golaha Wakiilada, oo uu ka hiiliyey isagoo, u cuskadey in uu Faratoon ka hiiliyo Dagaalkii uu Xiligaa kula jirey Xukuumada iyo Xisbigiisa Kulmiye.

Sikasta, oo ay tahey Kulankan ayaa ahaa mid la filayey, inn ay isugu yimaadaan Maxamyyd Xaashi iyo Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(faratoon), maadaama aanney jirin Xurguf iyagga u dhaxaysay, laakiin duruuf Siyaasaded Sabab u aheyd, in ku kala baydhaan Xiisadii loolanka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Waxaana jirtey in Maxamuud Xaashi Siweyn uga cadhoodey, Markii uu Wadahadalada la yeeshay Xisbiga Waddani in Gudoomiye Khaliif Dalka Ka Dhoofey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker