Qaramada Midoobay oo Abiy Ahmed Ku Eeedaysay inuu Xasilooni darro ka Hurinayaa Somalia Iyo South Suudaan

Nairobi (OWN) – Dhowr bilood uun kadib markii uu ku guuleysatay biladda caalamiga ah ee Nobel,  ayaa Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Waxaa loo soo jeediyay Eedaymo , kuwaas oo uga yimi dhanka Qaramda Midoobay Eedaas oo ahayd inuu Faro galin qaawan ku hayo Somalia  , balse mr Abbiy Wuu iska difaacay.

 

Laba warbixinood  oo ay soo saareen Guddiga Khubarada QM ayaa Abiy ku eedeeyey inuu XCasilooni darro ka abuurayo South Sudan iyo Somalia, oo ah laba dal oo uu Arrimahooda gudaha aad ugu lug leeyahay, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Kasoo baxay Nairobi.

 

Eedeymahan ayaa imanaya ayadoo   Madasha Xisbiyada Qaran, iyo maamulka Jubaland ay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya inay dowladda Farmaajo ka caawinayaan inay faro-geliso Arrimaha maamul goboleedyada.

 

Dhinacyadan ayaa sheegaya in Ethiopia ay ciidamo aan Amisom ka tirsaneyn kusoo daabuleyso Soomaaliya, si ay u fuliyaan hadafyada madaxweyne Farmaajo uu kula wareegayo maamul goboleedyada.

 

Safiirka Itoobiya ee Kenya Meles Alem, oo la hadlay Daily Nation ayaa sheegay in eedeymahan aysan xaqiiq ahayn.

“Mid ka mid ah tiirarka siyaasadda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa ah inaan la faro-gelin arrimaha gudaha ee dalalka kale. Taas waa taariikhdeena,” ayuu yidhi.

“Waxaan si deris wanaag ah u cayaarnaa kaalin aan wax ku dhiseyno kaliya.”

Meles ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee nabad-ilaalinta ay dalalka kale, oo Soomaaliya ay ku jirto, u joogaan hanaan nabadeed oo kaliya, islamarkaana ay raacaan xeerarka caalamiga ah.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa bishii December ee sanaddii 2018, waxay ayaga oo ay wehliyaan ciidamada Soomaaliya shacab ku xasuuqeen magaalada Baydhaba, si doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed loo xaqiijiyo inuu kusoo baxo musharaxii dowladda ee Cabdicasiis Lafta-gareen.

 

 

Ka hor inta aan bishii February  ee Sanaddii 2017  Loo dooran madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo waxa uu ahaa siyaasi Soomaalida ka gaday inuu neceb yahay shisheeyaha, gaar ahaan Itoobiya.

 

Waxa uu marar badan wareysiyo uu bixiyey ku sheegay in Itoobiya ay tahay cadowga koowaad ee Soomaaliya, islamarkaana aysan ahayn in marna ciidankooda ay joogaan Soomaaliya.

 

 

Si kastaba, markii uu xukunka qabtay kadib, dhammaan mowqifyadiisii hore waa ay is-beddelaan. Waxa uu dowladda Itoobiya u gacan geliyey Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax oo ahaa halgamaa Soomaaliyeed. Waxa uu aqbalay joogitaanka ciidamada Itoobiya, oo uu billaabay inuu dano siyaasadeed u adeegsado, waxaana kadib uu Itoobiya ka dhigtay isbahaysi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker