Qaramada Midoobay Oo Shaacisay Tirada ku Waxyeelloowday Datahaadaha Somaliya.
Warbixin uu Shalayto oo Jimca ahayd soo saaray Xafiiska Xidhiidhka Howlaha Bini’aaddam-nimada QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay 574,000 Qof wax yeello kasoo gaadhay fatahaadihii dhawaan ka ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, halka 370,000 kalena ay ku barakaceen.
Fatahaadihii dhacay Bil ka hor oo ahaa kuwo ka baxsan xaddigii la filayay ayay sheegtay Hay’addu in ay gaab yara gelisay in badan oo ka mid ah howlihii samafalka ee ay ka wadeen goobahaasi.
Xafiiska Xidhiidhka howlaha Bini’aadam-nimada Qaramada midoobay ee OCHA, ayaa intaa raaciyay in dadka ay saamaynta ku yeesheen ay markii horaba la daalaa dhacayeen Abaaro iyo wax soo saarkii dalagyada ay oo ka hooseeyay 70%.
Waxaa haatan soo kabanaya dadkii ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadkii ka dhacay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, iyadoo ay samata bixinta dadkii ay waxyeelladu soo gaaray ay gacan weyn ka geysatay dowladda Soomaaliya.