Tababaraha Liverpool iyo macallinka Manchester City ee Pep Guardiola ayaa lagu tilmaamaa labada tababare ee waqtigan ugu wanaagsan dunida,

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp iyo macallinka Manchester City ee Pep Guardiola ayaa lagu tilmaamaa labada tababare ee waqtigan ugu wanaagsan dunida, waxaanay meel cidlo ah kaga yimaaddeen Jose Mourinho oo muddo sannado ah la tartamayay, hase yeeshee maxay labadoodu ku kala yihiin?

 

Su’aashan, waxa si waafi ah uga jawaabay xiddig Klopp ka hoos ciyaaray, sidoo kalena Guardiola oo raadkiisu sii qoyan yahay tegay garoonkii uu ka talinayay, isla markaana kula guuleystay koobab badan oo xusuustiisa ku jiri doona, isla markaana uu ku galay diiwaanka taariikheed ee kooxaha Borussia Dortmund iyo Bayern Munich oo Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ay soo kala layliyeen.

 

Difaaca reer Germany ee Mats Hummels, waxa isaga oo da’yar uu khibrad badan iyo waayo-aragnimo ka helay tababare Jurgen Klopp xilligii uu joogay Borussia Dortmund, waxaanu kula guuleystay laba horyaal iyo hal koob oo German Cup ah ka hor intii aanu uga wareegin Bayern Munich sannadkii 2016, halkaas oo ay jidka isku weydaarteen sannadkii 2016 oo macallinka reer Spain uu u dhaqaaqay dhinaca Manchester City, daafana Jarmalkuna ku biiray Bayern Munich.

 

 

Mats Hummels oo ay da’diisu tahay 31, waraysi uu siiyey majaladda kasoo baxda Jarmalka ee Sport Bild, waxa uu kaga sheekeeyey farqiga u dhexeeya labada macallin, waxaana uu ku dooday in tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ay labadoodu ahaayeen kuwa ugu fiican caalamka oo dhan, isaga oo Klopp ku sifeeyey hoggaamiye layaab leh.

“Klopp waa hoggaamiye gebi ahaantiiba cajiib ah, aniga ahaan, isaga iyo Pep Guardiola ayaa ah tababareyaashii ugu fiicnaa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey. Pep farsamo sarraysa ayuu leeyahay, Klopp na wuxuu dadka u dhiirigelin karaa si aanay cid kale samayn karin.” Ayuu yidhi Mats Hummels.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker