Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame Oo Shuruudo Ku Xidhay Lakulanka Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha xisbiga WADAJIR Cabdirraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qaadacay kulan uu shalay oo Jimce ah madaxwayne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo la yeelanayay hoggaamiyeyaasha xisbiyada qaranka ee Soomaaliya kajira, Mr. Shakuur ayaa shuruudo kuxidhay kulanka Farmaajo.

 

Shuruudaha oo uu u sheegay warbaahinta qaar ka mid ah , shuruudahaas uu qodobeeyey ayaa waxay ahaaheen saddex kuwaas oo kala ahaa:–

 

1.ย Inuu Farmaajo umadda u caddeeyo in aysan macquul aheyn qabashada doorasho qof iyo cod ah, kuna dhawaaqo inuu uu diyaar u yahay in saamilayda siyaasadeed ka wada xaajoodaan model-ka iyo hannaanka ugu haboon ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacda.

2.ย In uu Farmaajo si cad afkiisa uga ballan qaado shacabka Soomaaliyeed in uu san hal maalin ku darsanaynin muddo xileedkiisa, doorashada labada aqal ee Baarlamaanka iyoย Madaxweynahana la qabanayo xilliga uu muddo xilleedkoodu ku eg yahay.

3. In uu Farmaajo cudurdaar iyo magdhaw ka bixiyo weerarkii 17 Dec uu ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir.

 

Warbaahinta Soomaaliya ayaa saaka qoraysay in madaxwayne Farmaajo uu rabo inuu la kulmo hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah, kuwaas oo uu farriin u soo diray Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsiย Fuursade, kulankaas oon haba-yaraatee wax Ajenda ah la siisiin hoggaamiyeyaasha.

Siyaasi C/raxmaan Cabdishakuur Warsame

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker