Maraykanka Oo Dayaarado Dagaal Oo Lagula Dagaalamo Alshabaab Ku Wareejay Kenya

Mareykanka ayaa lagu soo Warramayaa inuu Diyaarado dagaal ugu deeqay Ciidamada dowladda Kenya, si ay ugula dagaalamaaan Al-Shabaab.

Diyaaradaan oo ah Nooca MD-530F ayaa gaadhaya illaa lix, waxaana la sheegay in Kenya loo siiyey, si ay ugu Adeegsato Howlgalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab.

 

 

Stephen Townsen oo ah Taliyaha ciidanka AFRICOM oo Kenya ku wareejiyey Diyaaradahan, kadib munaasabad ka dhacday Nairobi ayaa sheegay inay arrintan qeyb ka tahay iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya dowladaha Mareykanka iyo Kenya.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan Taageerada milatari ee ay siiyaan ciidanka Kenya, islamarkaana ay markale ugu deeqi doonaan diyaarado kale.

Saraakiil sare sare oo ka tirsan Milatariga Kenya oo madasha ku sugnaa ayaa ka mahadceliyey diyaaradaha loogu deeqay, waxayna sheegeen inay laba jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan Kenya iyo Soomaaliya.

 

 

Mareykanka ayaa qeyb ka ah dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna duqeymo ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee diyaaradaha dagaal ee haatan la siiyey Kenya ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka fuliso wadankaasi, waxaana dhowaan ay weerartay saldhig ay ciidanka Kenya iyo kuwa Mareykan ah ku leeyihiin gobolka xeebta ee Laamu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker