Wakiil Baashe Cawil oo Faahfaahiyey Natiijada ka soo Baxday Shirka Maalgeshiga Somaliland ee Nairobi iyo Shirkado Maalgeshi ballan-qaaday

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Baashe Cawil oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Telefishanka BBC, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Shirkadaha iyo masuuliyiinta dowladaha Caalamka ee ka qayb-galay Shirkan oo Khamiistii shalay la soo gebo-gabeeyey.

Baashe Cawil Xaaji Cumar waxa uu sheegay in shirkaas loogu gudbiyey madaxdii ka soo qaygashay ooย  iskugu jirayย  saraakiil ka socday dawladda Kenya iyo shirkadaha kala duwan, warbixinno dhammaystiran oo ku saabsan baahiyaha maalgashi ee Somaliland u baahan tahay.

Baashe Cawilย  wuxuu tilmaamay inay martidii lagu casuumayย  gaar ahaan shirkadihiiย  ganacsiguย  ay muujiyeen siday u danaynayaan inay maalgashadaan Somaliland oo ay ka jirto nabadgelyo iyo dawladnimo shaqeynaysa oo caalamku aamini karo.

 

https://www.youtube.com/watch?v=UcDCb_dvLGk

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker