Al-Shabaab oo Afar qof ku dishay Weerarkii ay Saaka Aroortii ku Qaaday Tuulada Sareedo ee Bariga Kenya

Afar qof oo rayid ah oo uu ku jiro Wiil yar  ayaa Toogasho lagu dilay maanta kadib markii kooxda Al-Shabaab ay isku dayday inay weerarto Anteeno taleefon oo ku taalla Bariga Kenya, meel ku dhow xuduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen Booliska Dalka Kenya

 

 

Booliska ayaa sidoo kale dilay laba ka mid ah kooxdii weerarka soo qaadday.

Afhayeen u hadlay booliska, Charles Owino ayaa sheegay in in ka badan 10 dabley ah ay isku dayeen inay burburiyaan anteenada.

 

Bayaan kale oo booliska ay soo Saareen ayaa lagu sheegay in weerarku uu ka dhacay magaalada Sareedo, oo 25 km u jirta xerada Qaxootiga Dhadhaab.

“Budhcadda waxay isku dayday inay beegsadaan anteeno taleefon, waxaana intii ay ku guda jireen noloshooda ku waayey afar qof, oo ay ku jiraan macallin iyo ilmo yar,” ayaa lagu yiri bayaanka booliska.

 

Booliska ayaa intaas ku daray in laba qori oo AK47 ah, walxaha laga sameeyo qaraxyada iyo hub kale la helay.

Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada ammaanka ay iminka ku raad joogaan kooxdii weerarka soo qaaday.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

 

Kenya ayaa iminka ku jirta heegan culus, kadib markii Al-Shabaab ay Axaddii weerar ku gashay saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu, halkaasi oo saddex Mareykan ah ay ku dileen.

Saddex qof oo Kenyan ah ayaa sidoo kale goor dambe oo Axaddii ah la xidhay, sababo la Xidhiidha in lagu tuhmay inay isku dayeen inay galeen saldhig ciidamada Britain ay ku leeyihiin bartamaha Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker