Daawo: Magacyada Guddi Guurtida JSL U Saartay Inay Ka soo Talo-bixiyaan Muddo-kordhin Madaxweyne Biixi U doonayo Wakiillada
Golaha guurtida Somaliland ayaa Guddi ka kooban 29 Xubnood u saaray ka soo talo-bixinta mudoo kordhin mar kale loo samaynayo Golaha wakillada Somaliland, ka dib markii ay dib u dhacday doorashadii lagu soo dooran lahaa Xildhibaanno cusub.
Xildhibaanada ayaa saaka loo akhriyay qoraalka mMdaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kaga dalbaday inay muddo kordhin u sameeyaan Golaha wakiillada Somaliland, waxaana markaa ka dib cod lagu meel mariyay guddiga loo saaray inay arrintaa ka soo talo-bixiyaan.
Guddiga ayaa ka kooban 25 Xildhibaan, Shir-guddoonka oo ka kooban 3 xubnood iyo Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida, waxaana la siiyey muddo ay arrintaa ku soo eegaan, kuna soo gudbiyaan Taladooda.
Halkan hoose ka akhriso
https://youtu.be/6tNSsSnyMGk