Daawo Jawaar Maxmed oo farriin culus u diray Soomaalida Itoobiya
Jawar Maxamed oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa qoomiyadda Oramada Itoobiya islamarkana ka mid ahaa dadkii horkacayay dibadbaxyadii Itoobiya ayaa waxa uu ka hadlay siyaasadda gobolka Soomaalida Itoobiya.
Jawaar ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in shacabka gobolka Soomaalida ay arrimaha gudahooda ah ay iyagu xalliyaan oo aysan meel kale la aadin.
Mr Jawar Maxamed oo ka hadlayay kulan ay lahayeen qoomiyadda Itoobiya ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka Soomaalida ay wada fariistaan oo ay awoodda qeybsadaan.
“Waxaan ku boorrinayaa walaaleheena Soomaaliyeed arrimaha gudihiina ah ha la soo aadina Oromada ,meelna arrimihiina ha geynina,midnimada Soomaalida waa xuquuq ay Soomaalidu leeyihiin ,inagu waxaan nahay walaahiin lakiin banaanka ayaan ka joognaa arrimaha Soomaalida quseeya,waan idin imaan karnaa oo idin dhexdhexaadin karnaa haddii aad na casuuntaan ,balse waanadeydu waxay tahay dhibaatadiina ha ku xalinina meel ka baxsan gobolka Soomaalida,”ayuu yidhi Jawaar.
Jawaar Maxamed ayaa si gaar ah ula hadlay jabhadda ONLF iyo madaxwaynaha degaanka oo ugu baaqay inay xalka ka raadiyaan wadaxaajood iyo wada tashi.
“Wada fariista ,waxa aan arrintaa ku boorinaya hogaanka ONLF iyo Mustafe iyo qof walba oo kale ,wada fariista oo dhisa gole,waxaad leedihiin odayaal xikmad iyo aqoon leh oo aan aniga garanayo waxay gacan naga siyeen in aan joojino dhiigii ugu badnaa ee daata,waxay odyaaasha gacan idinka siin karaan in aad awoodda qeybsataan ,waxaa muddo 20 sano ah idin xukumayay Cabdi Maxamed Cumar sidee markaasi idinka oo dimuqraadiyada u soo dhagaalamay aadan isugu iman Karin oo aad awoodda u qaybsan Karin ” ayuu intaa ku daray.
Mr Jawaar ayaa sidoo kale sheegay in gobolka uu gacanta u gali jiray shaqsiyaad balse imika dhaqaalahaas uu bulshada dhexdeeda yaallo islamarkana ay tahay in lagu heshiiyo.
https://www.youtube.com/watch?v=hbmvuAWbZGM