Samaroonka Waqooyi Waxaa Xalaal u ah In ay Iimaansadaan Buurtii Illaahay Ku Beeray Iskana Daayaan Damaca Dhulboobka.

nkastoo Taariikhda lagu Wada garanayo halka illaahay dajiyay Qabiil kasta iyo dhulkii ay ku tafiirmeen Awoow ka Awoow oo Axashii iyo Madheertiiba Taalo Marka laga Soo bilaabo Taariikhda mudo imika laga joogo kun Sano iyo Ku Dhawaad Qarni laga soo bilaabo Wakhtiyadii hore ee Saylac guryaha Sonkorta ah laga dhisay boqortooyooyin Turki Carab iyo dad Xadaarad lihi ay katalinayeen, Waxa ay ku Sheegteen Xaaji Diide oo ahaa Shaqaalihii Carabta iyagoo ku Sheegaya in uu ahaa Tujaartii Saylac ma.ahayn tujaar ee Wuxuu noqdey dadkii dhaxley hantidii Carabtii uu Shaqaalaha u ahaa.

Waxaan fogayn oo iyaduna Xusid Mudan in Markii ugu horeysay ee Maxamed-case Beesha Samaroon Waqooyi oo Deegaankooda Rasmiga ahi yahey Badhtamaha Silsilada Golis gaar ahaan Buur-Madaw ay Xiligii Dawladii Kacaanka aheyd markii ay Xiliga jiilaalka u dhaadhaceen Xeeb oo ay Xuduud Xoolo Daaqeen iyo Degsiimoba ku Kulmi jireen Beelaha Ciise iyo Sacad Muuse Gadabuursi intiisa ugu badan ee Xoolodhaqatada ahi Waxa ay yaaleen Itoobiya Saylacna Shaqo kuma laheyn Lughayana Shaqo kumay laheyn Xataa Safarkoodu Garba-dadar iyo Geerisa masoo gaadhi jirin Marka laga Reebo Tuulada Cali-xeydh oo ay hadhuudhka ka Miisan jireen.

Haddaba Marka taa la yimaado Waxa Isweydiin leh Fursadan ay Maanta ku Sheeganayaan Dhulkii Ciise iyo Sacad Muuse Deegaanka u ahaa Goormey isa Siiyeen inkastoo laga Xoreeyay.Dhulkii ay Ka boobeen Xiligii Dawlladii Kacaanka iyagoo garwsanaa inaanay laheyn dhulkan ay usoo dhaadhaceen Waxa ay Samaroon  mar kale Isku balaadhiyeen Xeebta Galbeed kadib markii Madaxweynihii geeriyooday ee Maxamed Xaaji ibraahim Cigaal kasoo Saarey Ciidamadii 99aad ee Guutadii SNM oo Sacad-muuse(Jibriil-Abokor), u badneyd Waana Arinta ilaa iyo hadda la isweydiinayo, Shirkii Lagu Qabtey Geerisa horaantii 1993kii ee Dib U heshiisiinta Beelaha Samaroon iyo Ciise Waxa Kasoo Baxey Damac been ah iyo Xaqiiqda Ka dambeysa Waxa Asal ahaan Colaada Samaroon kalifey in ay Tahey Damac been ah oo Muuse Rabiile Sabab u ahaa oo Wixii laga Dagaalamey ayey aheyd in ay hore u yidhaahdeen Dawlada maxamed Siyaad Waxey noo ogoshahay inaanu Abaarso Xuduud ka dhigano, Waa khiyaali oo Waxey lamid tahey in Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo Deegaankiisu Hagu-Dacawo…..lasoco

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:064466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker