Beesha Caalamka oo war kasoo saartay Kulan ay la qaateen Musharixiinta Mucaaradka ah

Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay maanta khadka Internet-ka kulan kula yeesheen wakiillo ka socday Golaha Musharraxiinta Madaxweynaha, taas oo qayb ka ah wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in qof walba uu ka shaqeeyo sidii si dhaqso ah loogu qaban lahaa doorashada.

Wadahadalkooda, saaxiibbadu waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen sida ay tahay in loo ixtiraamo heshiiskii doorasho ee 17-kii Sebteembar oo ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, si dhammaan musharrixiintu ay ugu tartamaan doorka hoggaamineed ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ay musharixiinta kala hadleen arrimo ku aaddan bannaanbaxa ay horay ugu dhawaqqeen ee loo ballansan yahay in uu dhaco jumcada soo aaddan, waxaana beesha caalamku ay horay walaac kaga muujiyeen bannaanbaxa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker