Mareykanka Oo Safiir Cusub u Soo Magacaabay Somaaliya

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Amb. Larry André u magacaabay inuu noqdo Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhin doono Somaliya.

Amb. Larry André ayaa ahaa Safiirkii Mareykanka ee Jabuuti, tan iyo sanadkii 2017, waxaana uu bedeli doonnaa Danjire Donald Yamamoto, Safiirkii Mareykanka ee Somaliya.

Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Somaliya ayaa arrimaha diblomaasiyadda ku soo jiray tan iyo sanadkii 1990, isagoona horey u soo noqday Danjiraha Mareykanka ee dalalka South Sudan iyo Mauritania.

Larry André oo 60 jir ah ayaa waxay magacaabidiisa imaanaysaa, xilli uu Mareykanka si weyn uga horyimid muddo kororsiga labada sano ah ee loo sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Mareykanka ayaa Talaadadii ku hanjabay in uu dib u eegis ku samayn doono xiriirkiisa Somaliya, haddii ay Madaxda Dowladda Federaalka dhaqangeliyaan muddo kordhinta Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker