Dawlada Suudaan sharciyaysay Waxyaabo Diinta Islaamka ku Lid ah

Sudan ayaa u ogolaan doonta dadka aan Muslimka ahayn inay cabi karaan khamriga, waxayna sidoo kale baabi’isay sharci dhigayey in la dilo qofka ka baxa diinta Islaamka, waxaa sidaas sheegay wasiirka cadaaladda.

 

 

Is-bedelladan sharciyeed ayaa yimid sanad kadib markii xukunka laga tuuray Hoggaamiyihii Islaamiga kali-taliska ahaa ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasi oo iscasilay kadib Debadbaxyo xooggan.

 

 

“Suudaan waxay hadda u Ogoshahay dadka aan muslimka ahayn inay cabi karaan aalkolada, ayada oo shuruuddu ay tahay inaysan waxyeeleyn nabadda, sidoo kalena aysan ku cabin goobaha dadweynaha,” ayuu yidhi Wasiirka cadaaladda Nasredeen Abdulbari oo wareysi siiyey taleefishinka dowladda, Axaddii.

 

 

Inkasta oo diinta Islaamka ay ka mamnuuceyso Muslimiinta inay khamriga cabaan, haddana Sudan oo dadkeeda badankood ay yihiin Muslimiin, ayaa waxaa ku nool dad aan Muslim ahayn oo dalka u dhashay.

 

 

Abdulbari, oo ka tirsan dowladda ku-meel gaarka ah ee dalkaas, ayaa sidoo kale ku dhowaaqay inaysan hadda kadib dambi ahayn in qofka uu ka baxo diinta Islaamka, oo uu qaato diin kale.

 

 

 

“Cidna xaq uma lahan inay qof kale ama koox kale ku eedeyso inay gaalo yihiin…tani waxay halis ku tahay ammaanka iyo nabad-gelyada bulshada, waxayna hoggaamineysaa dilal aargoosi ah,” ayuu yidhi.

 

 

Dowladda ku-meel gaadhka ah ee Sudan ee beddeshay Al-Bashiir ayaa sameysay isbedello dhowr ah, waxaana dastuur ku-meel gaadh ah oo saddex sano ah oo ay qaadatay uu ka tegay inuu diinta Islaamka ku qeexo tan ramsiga ah ee dalka.

 

 

 

Xogta dowladda ayaa muujineysa in kaliya saddex boqolkiiba dadka gaadhaya 40-ka milyan ee Sudan ay yihiin Kirishtan, hase yeeshee hogaamiyayaasha Kirishtanka ayaa ku doodaya inay tirada intaas ka badan tahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker