Gabadhii ugu horeysay ee baratay xirfada Kaluumeysiga oo ka qalin jabisay Jaamacad ku taal Somaliland
Gabar ardayad ah oo ka qalin Jabisay Jaamacada Badda ee ku taal magaalada Berbera ee Somaliland ayaa ka hadashay sababta ku dhalisay in ay barato cilmiga Badda.
Saamiya Maxamed ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay barashada Kaluumeysiga, iyadoo intaa ku dartay in badda ay muhiim u tahay kobaca Dhaqaalaha.
Dhanka kale waxay tilmaantay in mar uun ay rajeyneyso in ay noqoto wasiirka Kaluumeysiga ee Somaliland.
Saamiya oo ah gabadhii ugu horeysay ee ka qalin jabisa Jaamacada Badda ayaa ugu baaqday in dhalinyarada ay bartaan xirfadaha badda si ay mustaqbalka uga faa,iideeyaan dalkooda iyo Dadkooda.
Saamiya Maxamed