Madaxweynaha ugu da’da yar Afrika ee la doortay

In yar un baa maqashay magaciisa sanad ka hor, haddana waxaa lagu wadaa inuu madaxweyne noqdo. Kor u kaca aan caadiga ahayn ee Bassirou Diomaye Faye ayaa soo afjartay mudadadii dheerayd ee siyaasadda Senegal ka ilaalinaysay in ay dad badani soo galaan.

Bilo ay xabsiga ku jireen isaga iyo saaxibkiis Ousmane Sonko ayaa si dhakhso ah u soo dhammaaday iyagoo labadoodaba la soo daayay todobaad ka hor dhicitaanka doorashada madaxtinimo.

Hadda Mudane Nadiif, (waa sida lagu naanaysee) waa in uu ka shaqeeyo oofinta ballamaha ballaadhan ee uu sameeyay.“Nidaamyahan” waliba “asluubaysan” waa erayada lagu qeexo canshuur aruuriyahaan u dabaaldeggay sanad guradadiisa dhalasho ee da’ada 44 sanno isniintii.

Bishii April 2023, ayaa la xidhay Faye isaga oo lagu soo oogay fidinta warar been abuur ah, ku xadgudub hay’adda sharciga qoraal uusoo dhigay bartiisa. Balse waxaa uun lasoo daayay toddobaad ka hor doorashada dalka, waxuuna noqonayaa madaxweynaha dooran ee dalka.

Faye waa Muslim ku dhaqma diinta islaamka oo qaba laba xaas. Marka la eego ku dhawaaqistiisii madaxnimo ee hantida uu haysto, waxaa uu guri ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Dakar. Waxa kale oo uu leeyahay dhul ka baxsan caasimadda iyo magaaladii uu ku dhashay. Xisaabaadkiisa bangigu waxa ay hayaan ku dhawaad ​​$6,600.Dalkaan Senegal oo qiyaastii dad 17 Milyan ahi ku nool yihiin ayay doorashada isku diiwaan geliyeen 7 Milyan, qofka soo baxayana waxuu u baahnaa in uu helo in ka badan 50% codadka la dhiibto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker