Dawladaha Somalia iyo Kenya oo u Muuqda inay sidii hore isaga soo dhawaanayaa, + Sawirada Kulankii ,kulanlii Wasiir Khaarajiga iyo Safiirka
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay maanta Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah Jeneraal (Howlgab ah ) mr Lucas Tumbo.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Xidhiidhka laba geesoodka ah ee baryahan dembe sii xumaanayay iyadoo lasii xoojinayo iskaashi wadaagga labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si loo adkeeyo Xidhiidhka dhinacyada badan leh oo soo taxanaa muddo aad u fog.