Ciidamada Sudan oo ku dhawaaqay 3 maalmood oo xabbad joojin ah

Xafiiska Af-hayeenka ciidamada Sudan ayaa bogga ay ku leeyihiin Twitter, waxa ay xalay fiidkii soo dhigeen bayaan ay ku sheegayaan inay ku dhawaaqeen xabbad joojin saddex maalmood ah. taas oo ka lbilaabaneysa xilliga uu soo baxay bayaanku uu ku beegnaa abaare kowdii iyo barka fiidnimo ee xalay.

Xabbad joojinta ayey ku sheegeen inay dadweynaha u ogolaanayso si ay u damaashadaan munaasabadda ciidul fitriga oo shalay ku beeganayd.

tan ayaa imaaneysa ka dib dhowr maalmood oo dagaallo xooggan ay ka socdeen caasimadda dalkaasi Khartuum taas oo illaa jumcihii shalay soo gaadhay iyada oo horseedday inay dadku ka nagaadaan salaaddi ciidda.

“Ciidamada qalabka sida ayaa isku raacay xabbad joojin saddex maalmood ah oo bilaabaneysa maanta oo Jimco ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 21-ka April, si shacabka loogu suurtageliyo in ay u dabaaldegaan Ciidul Fidriga, iyo isu socodka howlaha samafalka. Ciidamada qalabka sida ayaa rajaynaya in jabhaduhu ay u hoggaansamaan dhammaan shuruudaha xabbad joojinta, isla markaana ay joojiyaan dhaqdhaqaaq kasta oo militeri oo carqalad ku ah. ” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhowr jeer oo hore ayey siyaabo kala duwan labada dhinac ugu dhawaaqeen xabbad joojin 24 saac ah balse dhamaan fashil ayey ku dhamaadeen iyaga oo midba kan kale uu ku eedeeyay inuu jabiyey xabbad joojinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker