Badhasaabka Gobalka Togdheer Oo Kala Diray Gudiga Gurmadka Abaaraha
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Maxamed (Nafaqo)?ayaa kala dirrey Gudidii Abaaraha Gobolka Togdheer Kadib Markii, ay buuq iyo Hadal Galiyeen Hawshii Samafalka Dadka Ku Tabaalaysan Abaaraha ee Deegaanadda Gobolka Togdheer.
Gudidan, oo ubadan Wadaadada Ku Nool Gudaha Magaalada Burco oo iyagu Markii isku soo Xuley Xubnaha Gudida abaaraha ee Maamulaya Hawsha Wajiga hore, ee Xukuumadu ugu Gurmatey Xoola-dhaqatada ah oo Xaalad biyo La,aaneed Wakhtigan La Gaadhsiin lahaa Waxa ay Galiyeen Hadal iyo Buuq ka Dhamaan Waayay Gudaha Magaalada Burco, Sidaa Daraadeedna, Gudoomiyaha Gobolku isagoo Tixraacaya Waajibaadka Xukuumadeed iyo Xilka uu Hayo Wuxuu Dhamaanba Fasaxey Gudidaa Hore er Hadalka iyo Danaha Galiyay in Si Daacad ah loogu Shaqeeyo Shacabka.
Waxaa La Filayaa in Hawshan oo Wakhtigeedu Taagan Yahey uu Si dhakhso ah ugu Soo Xulo Gudi Cusub oo Ka Daacad ah Hawshan, iyadoo Geesta Kale Shacabka Gobolka Togdheer Soo Dhaweeyeen Talaabada Gudoomiyaha.