Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Uganda Oo Hawlo Shaqo U Yimid Muqdisho.
Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Uganda ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho, kuwaasoo qiimeynaya ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.
Xildhibaannada waxaa hoggaaminaya Wasiiru dowlaha Difaaca dalka Uganda Col. Charles Engole Okello iyo Guddoomiyaha Gudiga Difaaca ee Arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Uganda Doreen Amule iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiyada Baarlamaanka.
Waxey booqan doonaan inta ay joogaan magaalada Muqdisho xarumaha howlgala Ciidamada Uganda, iyagoo la kulmi doona askarta iyo Taliyeyaasha ciidamada sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay taliska AMISOM.
Sidoo kale xubnaha wafdiga inta ay joogaa magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoonka Baarlamaanka.
Maalintii shalay ayeey wafdigan la kulmeen Saraakiisha sarsare ee howlgalka AMISOM, sida Kuxigeenka Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo iyo Taliyaha Guud ee AMISOM. Tigabu Yilma Wondimhunegn.
Booqashada wadiga oo noqoneysa tii ugu horeysay ayaa marka ay dib ugu laabtaan dalkooda waxaa ay warbixin ka sii doonaan Baarlamaanka dalka Uganda qaabka howlgalka ciidamada ka jooga Soomaaliya.