Madaxwayne Putin Oo sheegay inay adeegsan doonaan hub ka Xawaare badan Hilaaca

Madaxwaynaha Dalka Ruushka Vladimir Vladimirovich Putin  ayaa sheegay inay adeegsan doonaan hub ka Xawaare badan Hilaaca, isagoo u digayey Wadamada taageerada milateri siiya yukreyn,wuxuuna yidhi sidan“Haddii Koox go’aansato inay dibedda kasoo farageliso oo ay taageero milateri siiso Yukreyn,oo uu Ruushka ku abuuro halis istiraatiiji ah oo aan la aqbali karin, waa inay ogaadaan kuwa taageeraya Yukreyn in jawaabteennu noqon doonto dharbaaxo weyn oo degdeg ah oo ka dhakhso badan Xawaaraha hillaaca.
Waxaan maanta haysanaa dhammaan agabkii aan sidaa ku samayn lahayn oo aan ku jawaabi lahay,Waa qalab aan Ruushka mooyee cid kale haysan oo aanay ku faani karin. Laakiin faani mayno,Waanu adeegsan doonnaa xaqiiqdii haddii baahidaas oo kale ay timaaddo.
Mas’uuliyiinta Ruushku waxay mar hore diyaariyeen dhammaan go’aannada lagama maarmaanka ah si loo bixiyo jawaabta noocaas ah ee halista badan.
waan ku raacsanahay Masuuliyiinta ruushka ee asbuucan sheegay in Ruushku duqayn karo UK oo taageero milateri siisa yukreyn,wax kasta waa macquul,mana aha wax aanu masuuliyadeeda qaadi doono,sababtoo ah waa wax nalaku Khasbay “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker