Madaxweynihii Hore Ee Dowlad Deegaanka Somalida Cabdi Maxamuud Cumar Oo Maanta Maxkamad La Hor Keenayo.

Addis-ababa-(OWN)-Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in maanta maxkamad la soo taagayo madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer ilaalinta qaranka dalka Itoobiya ayaa Cabdi Maxamuud waxa ay ku soo oogayaan kiis dacwadeedka ka yaalla maxkamadda oo ay ka mid yihiin gabood fal iyo arrimo kale oo la xidhiidha barakicinta dad shacab ah.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qareenada difaacaya waxa ay sheegayaan inay diyaar u yihiin in kiiska xeer ilaalinta ay ku soo oogeyso ay ka difaacaan.

Ehelada Cabdi Maxamuud ayaa waxa ay sheegeen inay wax wanaagsan ka rajeynayaan maxkamadeynta maanta la filayo inay ku dhacdo wiilkooda iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa.

Oodwayne/News.com/Addis-ababa Ethiopia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker