Maxaa Keenay In Soomaali Badan Ku Guushaaystaan Doorashada UK?
Xisbiga haya talada Britain ee Conservative-ka ayaa guuldarro ballaadhan kala kulmay doorashada dowladaha hoose, waxaana uu lumiyay ku dhawaad 500 oo kursi doorashadii dhacday Khamiista.
Xisbiga mucaaradka ah ee Labour-ka ayaa dhanka kale guulo waaweyn ka gaadhay doorashada, waxaana jira tiro Soomaali ah oo ku soo baxay xisbigaas.
Siyaasiyiinta ku guulaystay tikidka xisbiga Labour-ka waxaa kamid ah Xarbi Cilmi Faarax oo kamid noqday golaha deegaanka ee London.
Xarbi ayaa ka warramay waxa guushan ay uga dhigan tahay Soomaalida iyo xisbiga muacaaradka ee Labour-ka.
“Doorashadan waxay ii aheyd doorashadii saddexaad oo aan ku guuleysto waxay iiga dhigan tahay kalsooni buuxda inay ii hayaan dadkii i soo doortay iyo xisbigaba si aan u sii wado shaqooyinkii aan soo waday”
Xisbiga ugu weyn ee doorashada ku guuleystay ayay ka dhigan tahay in uu la wareegi doono maamulka deegaanada uu guusha ka soo hoyiyay, sida uu qabo Xarbi Cilmi Faarax oo doorashadan uga guuleystay musharraxiin kale oo ka kala socday xisbiyo ay kamid yihiin Conservative-ka, Green Party iyo Liberal
“Xilka la ii doortayna waa in aan matalaa deegaanka la iiga soo doortay, markaa waxay ka dhigan tahay in xisbiga ugu weyn ee hadda oo kale doorashada ku guuleystay in uu maamulka la wareegi doono deegaankaa, labadii doorasho ee ugu dambeysay xisbiga Labour-ka ayaa meesha heystay , xisbiga Labour-ka ayaa aqlabiyad ugu weyn ku guuleystay waxay ka dhigan tahay in aan maamulka sii qaban doono”
“London oo kale dhowr qof Soomaali ah oo doorashada ku guuleystay ayaa jirta, gobollada dalka dad kale oo Soomaali ah ayaa kasoo baxay inta badan matala xisbiga Labour-ka qaarna ay matalaan xisbiyo kale”
Wuxuu sheegay inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka dadka Soomaalida UK ka heysta arrimo ay kamid yihiin shaqo la’aanta iyo guryeynta.
“Soomaalida bulshooyinka waddanka degan bey kamid yihiin, waxyaabaha guryeynta ku saabsan dhib badan baa naga heystaa, waxaa kale oo aad noogu badan shaqo la’aanta khaastan dhalinyarada waxyaabaha ayaan diiradda saari doonaa, waxaan ku dadaali doonaa xuquuqda dumarka Soomaalida ee shaqeeyo si xirfadda looga caawiyo” ayuu yiri xildhibaan Xarbi Cilmi Faarax.
Cabdishakur Maxamed Tarax oo ka faallooda siyaasadda UK ayaa sheegaya in xisbiga mucaaradka uu meel cidlo ah ka helay guusha.
“Xisbiga talada haya ee ee Conservative-ka waxay sheegeen inay walaac ka muujinayaan doorashada sababta ay ugu weyn ay aheyd fadeexaddii ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha gaar ahaan xilliggii lagu gudo jiray xayiraadda ka hortagga Karoona oo aan xafiiskiisa ku dhaqmin shuruucdii ka hortagga cudurka Covid-19 oo markaas xafladeyn iyo waxyaabo badan ay ka dhaceen taas oo noqotay kalsooni darro loo qabo xisbiga talada haya..xisbiga Labour waa fursad uu ka helay meel banaan”