Muslimiin ku guda jiray gudashada Cumrada oo ku dhintay Shil
35 qof oo ajnabi ah ayaa ku dintay afar kalana way ku dhaawacmeen shil bas oo ka dhacay meel u dhaw magaalada barakeysan ee Madiina ee dalka Sacuudiga.
Baska ayaa waxa uu ku dhacay gaari ah nooca qaada xamuulka goobta lagu magacaabo xarunta al-Akhal Centre. Shilkan wuxuu dhacay shalay ,sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Rakaabka saarnaa Baska ayaa isugu jiray Carab iyo dad ka soo jeedia Aasiya oo ka soo safray magaalada Madiina kuna sii jeeday magaalada Makka halkaasi oo ay ku soo cumreysan rabeen.
Ma kala cadda ilaa iyo imika dalalka ay u kala dhasheen ,balse rai’sul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay “in uu aad uga naxay” warkaasi.