War deg deg ah: Maxkamadda ICJ oo mar labaad dib u dhigtay kiiskii badda ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya

War deg deg ah: Maxkamadda ICJ oo mar labaad dib u dhigtay kiiska badda ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

 

Hague (OWN) โ€“ย Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya, sida uu goor dhow xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi.

Maxkamadda ICJ ayaa galabta goโ€™aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaalia iyo Kenya laga dhigo June 8-12 ee sanadka 2020.

Maxkamadda ayaa goโ€™aankeeda ku caddeysey in goโ€™aankaana u yahay mid kama dambeys ah oo mar dambe aan dib loo dhigi doonin.

Waxay sheegtay inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkamadda.

 

Goโ€™aanka cusub ee dhageysiga dacwadda badda mar kale dib loogu dhigay ayaa yimid kadib markii ay Kenya mar labaad codsatay dib u dhigista Lagu sameeyo .

Jadwalkii hore ee maxkamadda u dejisay dhageysiga dacwadda ayaa ahaa 9-ka illaa 13-ka September, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay illaa 4-ta November kadib codsi ka yimid Kenya.

Si kastaba ha ahaatee Kenya ayaa dhowr toddobaad ka hor mar kale codsatay in kiiska dib loo dhigo, taasi oo dhalisay goโ€™aanka cusub ee galabta soo baxay.

Soomaaliya ayaa labada goorba diiday in kiiska dib loo dhigo, hase yeeshee maxkamadda ayaan Waxย  tix-gelin ah siinin Diidmada Somalia halkay taa badalkeeda qadarisayย  codsiga Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker