Laba Dhalinyaro Somali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada London

Wargeyska The Evening Standard ee ka so obaxa dalka Britain ayaa qoray in Marxuumiinta Soomaalida ee la dilay lagu kala magacaabo jirey  Osman Shidane oo 20-jir ah iyo C/raxmaan Jaamac oo 24-jir ah.

 

Qoyska uu ka baxay Osman Shidane ayaa sheegay inuu dilkiisa ka mid ahaa 3 qof oo 72-kii saacadood ee la soo dhaafay lagu dilay Waddooyinka London.

Osman Shidane ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka, 3 maalin kadib, markii ay kooxo aan la aqoonin ku dhaawaceen meel ku dhow Dhismaha laga Dukaamaysto ee ku yaalla RUISLIP.

Marxuumka oo ay Waalidkiisu Soomaali yihiin waxa u uku dhashay dalka Denmark, wuxuuna magaalladda London ku noolaa muddo 15-sanno.

Dhinaca kale, Muwaadin Soomaali oo lagu magacaabi jirey C/raxmaan Juma oo 24-jir ah ayaa maydkiisa la helay, iyadoo ay dhaawacyo Tooreey ku yaallaan.

 

 

Madaxa Baarayaasha Boliska London, Andrew Packer oo hoggaaminaya Baaritaankaasi ayaa sheegay inay u bahaan yihiin inay la hadlaan Goobjoogayaasha haya caddaymo ku filan  si loo ogaado dadkii dilay Marxuumkaasi oo ahaa tababare dhinaca Dhismayaasha.

 

Qaar ka mid ah dadka deriska la ahaa Marxuumka ayaa sheegay inay kooxo burcad ah dileen Marxuumka.

Dilkiisa ayaa noqonaya ninkii 28-aad ee da’doodu tahay 25 jir ama ka hooseyso oo London lagu dilay sannadkan 2018-ka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker